Naasley yar, dhirxagatada ka mid ah, leh dhego dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo bushin kore oo faruuran, oo habeenkii mirato.
Wadarta Magacan
-layaal, m.l/dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Bakayla-ha)
Jaad nafleyda dhirta xagata ka mid ah oo aad u dheereeya; wuxuu lee yahay dhego dheerdheer, dhogor jilicsan, af bushinta kore ka faruuran, dabo gaaban, iyo lugo xoog badan oo dheerdheer.