Ereyada loogu baadi-goobka badan yahay gudaha Qaamuusle.
ld niyo.
Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. ld naafee.
Habeennadii la soo dhaafay, kan ugu dambeeyay. ld xalayto.
1. Hooy; aqal. 2. G. ah: nafley heshay difaac ka celiya waxyeellada cudur horay ugu dhacay.
Wax qurux u yeelid.
1. Qof dumar ah oo wax dhashay. 2. Erey gacalo. 3. U.j: hooyoy! 4. U.j: wiilkaygiyow!; gabadhaydiyey!
Cod nafley badani isku darto oo farxad iyo qosol leh.
Hal garaam oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.
ld murug² (1).
La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin.
Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-soomaaliga.
ld xujoole.
Qayb jirka ka mid ah oo dhimatay dhiig yari ama dhiig la'an awgeed.
eeg fashalan¹. ld fashilmid.
ld jildiyid.
ld fashalmid.
eeg albaab².
eeg quman.
1. ld ruux. Waxa nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. N. ah: wax dhimasho u dhow. 3. N. ma leh: qiimo ama waxtar yari.
eeg biif². ld biif¹ (3).
U n.: hanti iwm wax dartii u bixin.
ld bey'ad.
1. Qof aan niyo wanaagsanayn noqosho. 2. Ka n.: wax rajo aan wanaagsanayn ka qabid. ld niyadxumow.
ld jildi¹.
Samayska hiddo-side ee noole, taa waxa loola jeedaa isku darka aliilada uu leeyahay.
1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.
1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iwm si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid).
eeg kashif². ld kashif¹ (3), kashifaad.
ld jildiso.
ld jildisasho.
ld jildisasho.
Naag nin qaraabo ahi ka dhintay guursasho.
ld banaaxi².
Qof dhaqan iyo anshax wanaagsan kula dhaqma bulshada uu la noolyahay.
eeg bi'i. ld bi'is.
1. Qodxo bir ah, noocyo kala duwan leh oo wax la iskula qabto. 2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u dheereeya.
eeg ba'². ld ba'id.
1. Wax aad u yar. 2. B. ah: xarrago badan oo dharkiisu hab gaar ah u tolanyahay (qof).
1. Faras, dameer iwm addimada dambe wax ku haraatin.
ld qorraxayso.
ld nicmo.
Kitaab, buug iwm jildi u yeelasho. ld jaldiso, jeldiso, jaldiyo, jeldiyo, jildiyo.
ld fashalid.
Wax, wax oggolaaday noqosho.
1. Hoog iyo dhibaato gaarsiin; hoojin, beleyn. 2. Hawl, arrin iwm. si gurracan u fulin. 3. “Ka bi'i”: wax meel ku yaal ka tirid; baabi'i.
Wax rimid u baahan noqosho (sac).
Ku n.: cid wax u dabacsan noqosho.
Lacag bangi laga deynsado oo muddo xaddidan lagu bixiyo oo ribisaarkeedu badan yahay.
Heehaab layofilik ah oo caadi ahaan deggan laakiin lagu khasbi karo, marka uu ku suganyahay xaalado gaar ah, inuu qayb xinijiroobo.
1. Buug, kitaab iwm jeldi u samayn. 2. Maqaar il, kor u rogid. 3. Badar kala saarid. ld jillad.
Kirli.
ld bi'in.
eeg isle'eg². ld isle'ekaansho.
ld bunaysasho.
ld banaaxiyid.
Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo.
1. Haraatida labada addin ee dambe iyadoo wada jira ay dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. Qalab noocyo badan leh oo carruurtu marka ay afuufaan luuq kala duwan bixisa. 3. ld biibbiilayn.
Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
ld bulu.
eeg biibbiilee. ld biibbiile (3).
Dawo aad loo isticmaalo oo xanuunka, halaamacoodka iyo qandhada bi'isa.
1. Wax cumri dheer yeeshay noqosho (nafley). 2. Cid barwaaqoobid. 3. Ka n.: wax ka haqab beelid (cid). 4. Ku n.: cid wax kale nolosheedu ku xirantahay noqosho. 5. Ku n.: cid meel deggan noqosho.
Saddex-jibaarane yar, ka samaaysan ciid bataax ah iyo shamiito la isku qasay oo guryaha lagu dhisto; jaajuur.
eeg riiji.
Gorayada keeda lab.
Wax meesha uu joogay in yar ka dhaqaaqid.
1. Dhicis noqosho. 2. Wax fashilmid.
Cod lagu muujiyo xanuunka.
1. ld Aad. 2. ld aydin.
1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.
ld walacsasho.
eeg kashifan¹.
Addoon noqosho.
eeg jilbajabsan. ld jilbajabsanansho.
Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iwm), wax aan noolayn (bir, loox iwm) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iwm); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iwm); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iwm); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iwm); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iwm).
Isku raacidda la isku raaco go'aan.
Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iwm.
eeg hafaran.
eeg tarmi.
1. Dad badan ama waxyaalo badan, qof ama wax ka doorasho. 2. Qof la soo bixid. 3. Gabar guursasho.
Buug lagu ururiyey ereyo badan oo af leeyahay oo isugu xiga sida alifka u kala horreeyo, eray walbana ay ku hor qoranyihiin macnihiisa, qaabkiisa iwm.
1. Xilli bartamaha guga ah oo roob badan da'o. 2. Roob badan oo xilliga gu'ga bartamihiisa da'a. ld cawlikudhal.
ld haah.
1. Araye. 2. Shabeelka lab.
1. Gob ahaansho. 2. Xurriyad, madaxbannaan. 3. ld gobnimo.
Rabitaan weyn oo wax gaar ah loo hayo.
1. Socod degdeg ah oo meel lagu gaaro. 2. ld tiigsahso.
Wax kidfan ahaansho.
Garaabbiido qaadid (neef geel ah).
Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.
Macduur ahaansho.
eeg ilaaleyso. ld ilaaleysad, ilaaleysi.
Y. ah: qof lixaad weyn.
ld himammow.
1. Socod ama orod badan. 2. Ee. ah: nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
ld cayaari¹.
U a.: qaddarin ama tixgelin cid siin.
1. Mindi iwm af u yeelasho. 2. Ku s.: wax ku xoqasho.