Buug lagu ururiyey ereyo badan oo af leeyahay oo isugu xiga sida alifka u kala horreeyo, eray walbana ay ku hor qoranyihiin macnihiisa, qaabkiisa iwm.
Wadarta Magacan
-syo, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Qaamuus-ka)
1. Buug af dhan ereyadi ku urursan yihiin iyagoo taxan oo sida alifku u kala horreeyo u kala horreeya oo mid walba macnihiisii iyo ulajeeddadiisii ku ag qoran tahay.
2. Buug qolo afkeed ku dhan yahay, isagoo ereyadiisu taxan yihiin, sida alifkana u kala horreeyaan, erey walbana erey kaloo shisheeye oo la macne ahi ku ag qoran yahay oo fasirayo (sida Soomaali/Carabi ama Ingiriis/Soomaali).