Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
magac1
Magac lab
1
Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero.
2
M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan.
Wadarta Magacan
-cyo, m.dh
magac2
Magac lab
Naxwe
Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iwm), wax aan noolayn (bir, loox iwm) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iwm); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iwm); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iwm); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iwm); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iwm).
Wadarta Magacan
-cyo, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Magac-a)
1. Erey ama tix, qof ama wax kale magac looga dhigay oo loogu yeero.
2. War wanaagsan oo qof u meel mara; caannimo; sharaf; dheg; maqaal.
3. (naxwe) Qayb weyn oo qaybaha hadalka kamid ah: waxay magac u noqon karaan, qof ama nafley ama wax kaleba; waxay kaloo magac u noqdaan, wax la falay ama la falayo ama si la yahay ama sah kolkaas lagu sugan yahay, ... (Guuleed, Maryan, faras, fardo, aqal, aqallo, gabar, oday, wiyil, qansax, run, deeq, dumar, lo', talo, talis, talin, taliye, Soomaali, Carab, Xamar, Afrika, ...).