buq
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
buq1
Magac dheddig1
Meesha ay biyaha ka soo burqadaan.
2
Ceel biyo badan leh.
3
Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.
Wadarta Magacan
-qo, m.l
buq2
Magac dheddig1
(jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan.
2
(juqr.) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).
Wadarta Magacan
-qo, m.l
buq3
Fal magudbe, isrogrogga 1aadBiyo, neef, gaas iwm oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.
Is-rogga falkan
-qay, -qday