Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
buufin1
Magac lab
Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
buufin2
Magac faleed dheddig
sidoo kale: buufis.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Buufin-ka) a) Qalab jaadad badan ah, oo neefta ama gaaska ama biyaha, kd. weelal kale ama qalabyo kale lagula shubo ama lagaga shubo: riixid iyo baari buu wax ku geliyaa, soojiid iyo nuugisna wax buu ku soo saaraa. b) Kolay yar oo harag ah ama xuub ah, oo inta neef laga buuxsho, lagu cayaaro.
2. (Buufin-ta) Neef, gaas, kd., ku afuufid; neefin.