Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
candhuuf1
Magac dheddig
Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. ld candhuufo.
candhuuf2
Magac dheddig
Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada.