Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
cuqdad1
Magac lab
Meel ciriiri ah.
cuqdad2
Magac dheddig
Cilmi-nafsi
Cudur nafsaani ah oo qofka ku beera shaki iyo kalsooniddarro uu ka qabo naftiisa iyo dadka kaleba. ld cuqdi, cuqdo.
Wadarta Magacan
-do, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Cuqdad-da) (qof) wax waa hore gaarey ama ku dhacay oo xusuustii lahan, maskaxda ku reebtay, welina uusan arrintaas si fiican ugu soo jeensan oo u foodsaarin oo laabtiisa uga tirtirin; cudur (maan) oo qofku moodo inuu dadka ka liito, ama ku abuura qabweyni iyo inuu dadkoo dhan ka fiican yahay; iin (soo qaadiddeeda qofku neceb yahay, ama jecel yahay in had iyo goor, la hadal hayo).