Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
cusbo1
Magac dheddig
Wax cad oo leh dhadhan dhanaan oo cuntada lagu dhanaaniya. Dhulka ayaa laga qodaa, biyaha baddana waa ay ku jirtaa; milix.
cusbo2
Magac dheddig
Kiimika
Iskudhis ka kooban xidishe asiidh iyo mid beys, ama iskudhiska samaysma marka biri la falgasho asiidh ee haydarojiinta si buuxda ama dhiman loo barabixiyo.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Cusba-da)
Wax sida dhalada u dhalaala oo midab cad: waxay leedahay dhadhan dhanaan; dhulkana waa laga qodaa biyaha baddana waa ay ku jinaa; cunnada waana lagu dhanaaniya waana lagu kayd geliyaa (inta korka laga marsho).