Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
deris1
Magac lab
Dad degsiimada is xiga oo isu dhaw.
Wadarta Magacan
-syo/-rsaan, m.dh
deris2
Magac lab
1
(xis.) Mid ka mid ah dhinacyada saddexagal ee sammeeya xagal la isa siiyey. Marka laga hadlayo saddexagal qumman deris waa dhinaca u dhexeeya xagasha la isa siiyey iyo midda qumman. Marka laga hadlayo tirigonoometeri saamiga dhinaca deriska ah uu sammeeyo dhererrada dhinacyada kale waxa loo adeegsadaa in lagu qeexo fansaarada xaglaha kosayn iyo tanjanka. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees.