Haad naasleyda ka mid ah, cayayaanka ku nool leh, baalal xuub adag oo ay wax ku dareento oo habeenkii duusha; kibilli.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Fiidmeer-ta)
Nafley shinbir u eg aanse ahayn: waxay leedahay baalal xuub adag ka samaysan oo ay ku duusho, naaso iyo caano dhasheedu nuugto, arag aan fiicnayn iyo karti lala yaabo oo ay cayayaanka ku hesho oo ku eryooto, kuna garato oo kaga leexato wax kastoo ka hor yimaada iyadoo aan orodkeeda inna dhimayn; habeenkii bay ugaarataa maalintiina waa ay nasataa oo meelay iska lushaa iyadoo foororta; kibilli ama kobolli.