jįir
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
jįir1
Magac lab1
Hilibka intiisa aan baruurta lahayn.
2
(-rar, m.l) Naasley yar, dabo dhuuban iyo lugo yaryar leh, miro cun ah oo badanaa ku nool meelaha qashinka leh; doolli.
3
Midab madow ama guduud ah oo baro cad-cadi ku dhafan-yihiin.
Wadarta Magacan
-rar, m.l
jir2
Magac lab1
Oogada dadka.
2
Roob badan oo habeen da'a.
Wadarta Magacan
-rar, m.l
jir3
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad1
(f.g) Meel ku maqnaansho.
2
(f.g) Nafley iwm mudda noolaan.
3
(f.g) Wax sugnaantooda hubid.
4
(f.mg) La j.: xoolo ilaalin.
5
(f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid.
6
Jirtoo: waa yahay ee....
Tusaale
“Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”
7
Iska j.: Ka digtoonow!
8
Shay intuu ka fogyahay shay kale.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay