Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
kaadi1
Magac dheddig
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.
kaadi2
Magac dheddig
Baayoloji
Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.
kaadi3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad ama isrogrogga 2aad
Kaadi sii deyn.
Is-rogga falkan
-iyay, -iday/-isay; -iyi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Kaadi-da)
Biyo cawl ah oo kelyuhu soo saaraan oo inta kaadihaysta ku urura, hadba kolkay bataan, kaadimmareenku qaado oo dibadda loo saaro.