Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. ld maldheer.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Mandheer-ta)
Xubin kankoonsan oo ilmasideenka gudihiisa ka samaysanta kolka uurka la lee yahay oo uurjifka cunnada siisa; iyada iyo ilmaha waxaa isu haya xarigga xuddunta, dhalmada kaddibna waa ay soo dhacdaa.