mawjad
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
mawjad1
Magac dheddig1
Dhaqdhaqaaqa biyuhu sameeyaan marka ay dabeeshu ku dhacdo.
2
Qulqul baahsan, xiriir ah oo ay samayso korontadu marka hawada lagu sii daayo. ld mowjad, hir.
Wadarta Magacan
-do, m.l
mawjad2
Magac dheddigJuqraafiKicidda iyo degista oogada badda, ugu dhowaan laba jeer maalintii, oo uu dhaliyo cufisjiidadka dayaxa iyo xoogga kan qorraxda ah. Oogada badweynta, faraqa u dhexeeya mawjadaha sare iyo kuwa hoose wuu ka yaryahay 1 m.; laakiin badaha godan ee qaaradaha xadka la leh waxaa laga yaabaa inuu ka bato 6 m., mawjadaha afafka dhuuban ee webiyada wuxuu gaadhaa 15 m. ama ka badan. Qulqul mawjadeed: waa u socodka biyaha mawjadda xagga khoori, af-webi, deked, iwm ee fatah mawjadeedka ama dusheeda ama mawjad noqdo.
Wadarta Magacan
-do, m.l