moos
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
moos1
Magac lab1
Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talagalay inuu biyaha daadka ah celiyo.
2
Biyamareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada.
3
Cabbirka beeraha oo dhan jibaal afar meelood loo qaybiyey meel ahaan.
Wadarta Magacan
-sas, m.l/-syo, m.dh
moos2
Magac lab1
(bot.) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh.
2
(bot.) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. ld muus¹ (2).
Wadarta Magacan
-sas, m.l/-syo, m.l
moos3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad1
Dhis ama dhoobo beer iwm biyo kaga celin.
2
Biyo daad ah weecin ama duwid.
Is-rogga falkan
-say, -stay