Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
nasin1
Magac faleed dheddig
nasin2
Magac dheddig
Cilmiga-naflayd
Meel dhalada ka mid ah oo aan lafoobin, lagana dareemi karo garaaca halbowlayaasha maskaxda. Waxaana lagu yaqaan dhallaanka ilaa gu' jirka ah, kaddibna way lafowdaa way xirantaa. ld nash.
Wadarta Magacan
-nno, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Nasin-ta)
1. Qof hawl haya, hawsha ka deyn ama ka qabasho ama ka beddelid, si uu isaguna kolkiisa u nasto oo u daaltirto.
2. Dhalada carruurta yaryar, god yar oo carjaw aan weli laf adag noqonnin, ku rogan tahay, oo haddii farta lagu taabto jilicsan oo inuu daloolo la moodo.