qoqob
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
qoqob1
Magac lab1
(xis.) Qayb ka mid ah xarriiq ama xood oo u dhexeeya laba barood oo ku yaalla xarriiqda ama xoodka.
2
(xis.) Gobol u dhexeeya boqonka goobo iyo qaansada ku aaddan ee gooya boqonka. Tusaale ahaan, bedka u dhexeeya boqon goobo iyo qaansada ku aaddan waa qoqobka goobada.
Wadarta Magacan
-byo, m.dh
qoqob2
Magac lab1
Dhis, raro, ood iwm oo lagu kala qaybsho guri, xero iwm.
2
Dhul yar oo hareeraha ka xaydaaman.
3
Karantiil.
Wadarta Magacan
-bo, m.dh
qoqob3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad1
Xero ama aqal gudahiisa dhis ku kala goyn.
2
Nafley karantiilid.
Is-rogga falkan
-bay, -btay