Cayayaan yaryar jaadad badan, beelbeel u degta oo aan baalal lahayn, lehna lix addin iyo labo gees. ld quraanjo.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Quraanya-da)
Bahal xasharaadka kamid ah, oo jaadad badan u kala baxa, oo beel beel u dega: maamulkoodu siyaalo badan buu kan dadka ugu eg yahay. Buulallada dhexdeeda hawsha laga qabto oo kale, meel laga qabtaa waa dhif; qaarkood yar (laboodka iyo boqoradaha yaryar) baalal bay lee yihiin; oogadoodu waxay u kala baxdaa madax iyo saab iyo qaar danbe, oo uurkii uga dhigan, iyo lix addin iyo labo gees; (ama quraanjo).