Qalab dareema meesha iyo jihada socodka ee walxo meel fog maraya sida maraakiibta iyo dayaara-daha, waxana qiyaasta laga qaataa dhudaha birlabdanabeedka soo noqday, kaddib markii ay abbaareen walaxda socotay.
Wadarta Magacan
-rro, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
* (Raadar-ka)
Aalad, duuliyeyaasha dayuuradaha iyo dhofiyeyaasha gaadiidka baddu ay wax ku arkaan, xilli kasta (gudcur ha ahaato ama roob ha da'ayo, ama ciiryaamo iyo dhedo ha jireen) wixii marinkooda ku sugan ama xaggooda u soo socda oo dhibaato keeni kara (ama raadaar).