Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
rakaad1
Magac dheddig
Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan. ld rakaadid.
rakaad2
Magac lab
1
Muddo hal seken ah inta hir ee ka gudba bar.
2
Inta walhasho ee walhade sameeyo muddo hal seken ah.
3
Inta goor ee uu ku dhex dhaco waqdhac ama la fisho in uu ku dhex dhaco koox ama qayb huban.
rakaad3
Magac dheddig
Fiisikis
Summad f. Dhakhsaha celcelinta dhacdo hable. Tirada meertada ama wareegga hir ama walhasho ama gariir ee halkii seken ayaa lagu tibaaxaa heertiis (wareeg halkii seken). eeg Heertis.