rid
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax hoos u sii deyn.
2
Qof jago ama dhibco ka qaadid.
3
Xabbad, waran iwm gannid.
4
Wax wax kale dul saarnaa ka tuurid.
5
Ka r.: dugaag ama tuug wax uu sito ka dhigid.
6
Ku r.: xoolo ama dad jid ay maraan ku hagaajin.
7
U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin si wax ku jira loogala soo baxo.
8
Isha ka r.: arrin xalkeeda asiibid.
9
Dib u r.: arrin fulinteeda dib u dhigid.
Is-rogga falkan
-day, -dday