Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
sid1
Magac lab
1
Marka ilmuhu uurka galaan iyo marka ay dhashaan inta u dhexeysa.
2
Culaabta gaadiid hal mar qaadi karo.
sid2
Magac lab
Cilmiga-naflayd
Muddada ay qof dumar ahi ilmo uurka ku qaaddo, sidku wuxuu socdaa qiyaasta 266 maalmood, laga bilaabo calool galka ilaa ilmuhu dhashaan, ilmaha uurka kujirana wuxu ku koraa uurka. Inta sidku socdo caadadu way maqantahay, waxaa dhici kara in ay aad u badato cuno cunnidu ama la jeclaado cunitaanka, naasuhu way weynaadaan, qofka dumarka ah waywallaci kartaa.
sid3
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad
1
(f.g) Cid ama wax qaadid ama kor u hayn.
2
(f.mg) Neef dheddig wax riman ahaansho.
Is-rogga falkan
-day, -dday
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Sid-ka)
Marka ilmuhu uurka galaan iyo marka ay dhashaan inta u dhexaysa.