Quraarad lagu shubo waxyaalaha kulul oo la cabbo iyo waxyaalaha qabow labadaba oo la doonayo inay saacado badan sidaas ahaadaan oo aan heerka kuljiirkoodu (kulaylkooda ama qabowgoodu) is beddelin. Waxay leedahay gal ku samaysan oo bir ah oo kore, iyo labo kaloo derbi, oo ah dhalo lacag lagu dheehay oo aan isku dhegsanayne meel marani u dhexayso, iyo fur iyo daboollo ad'adag; (ama tarmuus).