Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto.
2
Quluc.
Wadarta Magacan
-ooyin, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Ubba-da)
1. (gobollada qaarkood) weel wixii shubma lagu shubto oo ama dhirta mayraxdeeda laga tolo ama dhalo ama dhoobo ama bir, kd. laga sameeyo, oo leh sur dhuuban oo yaryar; dhalo; quraarad; weyso.
2. (gobollada qaarkood) geed-saarka faalala jaad ka mid ah oo yeesha miro sur dheer oo sal weyn; miruhu kolkay waaweynaadaan, inta la engejiyo oo iniinaha iyo buruqda laga saaro, baa weelal laga dhigtaa oo subagga iyo biyaha, kd. lagu shubtaa; quluc.