Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
wahsi1
Magac lab
1
Daal ka cararid darteed hawsha culays laga dhigo oo laga cagajiido.
2
wahsi2
Magac lab
Fiisikis
Astaan maatarku leeyahay, ee sababta in ay walaxi iska caabbido isbeddelka ku imaan kara xaaladdeeda socod ama negi.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Wahsi-da)
Daal ama culays la iska dareemo oo aan hawl la qabtay ka iman, oo waxyaalo la qaban lahaa, la isaga daayo; daal-ka-cararid darteed, hawsha culays looga dhigto oo 'maaro uma haysid' laysu yiraahdo.