Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
webi1
Magac lab
Biyo xoog leh oo durudur iyo togba ka weyn oo aan badanaa go'in.
Wadarta Magacan
-iyo, m.dh
webi2
Magac lab
Juqraafi
Durdur biyo macaan ah kaasoo ugu yaraan qayb sannadka ka mid ah ay ka weyntahay dur dur yar, waxayna martaa kanaal dabiici ah, oo ay dhinacyada ka xadeeyaan qarar, kuna shubma badda ama xaro, ama webi kale.
Wadarta Magacan
-iyo, m.dh
webi3
Fal gudbe, isrogrogga 2aad
1
Cid wax u diyaarin.
2
Cid qaddarin la'aan u muujin.
Is-rogga falkan
-iyay, -isay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Webi-ga)
Biyo xog leh oo tog haya oo durdur ka wayn oo badanaa aan go'in, oo ama kal biyo ah ku shubma ama bad ama webi kale.