Qaamuusle LogoQaamuusle

xiddig

2 Qaab ayuu ereygan leeyahay

xiddig1
Magac lab
1
Wax iftiin leh oo hawada sare ku sugan oo aan dayaxa iyo qorraxda midna ahayn oo habeenkii kaliya la arko.
2
(riw.) Ninka koowaad ee loo xusho jilidda fili- mada, riwaayadaha iwm.
3
Qof cayaaryahan ah oo kooxdiisa aad uga muuqda.
4
Nasiib.
xiddig2
Magac dheddig
1
Wax iftiin leh oo habeenkii hawada sare laga arko.
2
(riw.) Haweeney riwaayadaha iyo filimada jisha.
3
Bir yar oo midab qurxoon leh iyo shangees oo ciidamada derejo ahaan loo siiyo.
Wadarta Magacan

-go, m.l