Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
aglool1
Magac lab ama dheddig
1
Xoolaynta weel gocaya la xooleeyo.
2
Jaangooyada hore ee wax la dhisayo ama la samaynayo.
3
aglool2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Weel gocaya ah xoolayn.
2
Guri dhisid.
Is-rogga falkan
-oolay, -ooshay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Aglool-ka, Agloo-sha)
1. Hab weelka la xoolayna hayo, gocoyonnimada looga ba'sho: asal, dufan, laysku karshey baa lagu rogrogaa.
2. Wax la dhisa hayo ama la samayna hayo, qaabintiisa iyo jaangooyadiisa hore; bilaw; unug. 3.* Aqal, la dhisi doono, astaanti iyo muuqaalki warqad, ku muujin.