Qaamuusle LogoQaamuusle

astaan

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

astaan1
Magac dheddig
Summad. ld asto.
Wadarta Magacan

-aamo, m.l

astaan2
Magac dheddigNaxwe
Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisaugu horreeya.
Tusaale
sh. = shilin, U.N. = United Nations
Wadarta Magacan

-aamo, m.l

astaan3
Magac dheddigDaawo
Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.
Wadarta Magacan

-aamo, m.l