Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
awood1
Magac dheddig
1
Kartida ay cidi u leedahay inay arrin meel mariso.
2
Xoogga muruqa.
Wadarta Magacan
-do, m.l
awood2
Magac dheddig
Fiisikis
Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken).
awood3
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad
(f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho.