Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Babbaay-ga)
Geed dhulka kulul ka baxa oo yare baarta u eg; baarka sare wuxuu ku lee yahay caleemo balballaaran; wuxuu dhalaa miro waaweyn oo qaraha u eg oo iniino badan oo filfil u eki dhexda uga buuxaan; (ama mafafaay).