Qaamuusle LogoQaamuusle

bir

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

bir1
Magac dheddig
1
Macdanta dhulka laga qodo nooc ka mid ah, adag oo waxyaabo laga sameeyo oo danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya.
2
B. isha: barta yar madow, oo wax lagu arko.
3
la midka ah (ld):
bir-ajuuraan
Wadarta Magacan

-ro, m.l

bir2
Magac dheddigKiimika
Curiye kasta oo kiimikaad oo ah adke widhwidha, danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya.
bir3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Wax sida iftiin bilig dhihid.
Is-rogga falkan

-ray, -rtay