bu'
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
bu'1
Magac dheddig1
Isha nafleyda inteeda madow.
2
Afarta caloolood ee raamsatada middeed.
3
Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado.
4
(sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan.
Wadarta Magacan
bu'o, m.l
bu'2
Magac dheddig1
(baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA.
2
(kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.