Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
cubtan1
Magac lab
1
Doorasho ay laba qof ku kala xushaan dad kula jaal noqonaya ciyaar lagu tartamayo, iyaadoo midba markiisa qof magacaabanaya.
2
ld cugtan¹.
cubtan2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Laba qof, iyadoo midba markiisa qof magacaabanaya, dad kula jaal noqonaya ciyaar lagu tartamayo xulasho. ld cugtan².
Is-rogga falkan
-amay, -antay; -ami
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Cubtan-ka)
Hab dadka cayaara haya lagu kala doorto; labo qof baa mid wuxuu oranayaa cub, kan labaadna cir; kolkaasaa kii hore qof dooranayaa; kan doortay maahee, kan kalaa isna cub oranaya oo qof dooranaya; sidaasay ku wadayaan taniyo inta dadka laga wada doorto; doorasho; (ama cugtan).