Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
daabac1
Magac lab
1
Duub dun ah oo maryaha lagu xardho.
2
Dhar dun lagu xardhay.
3
(-cyo, m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda.
4
daabac2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii.
2
Qoraallo madbacadayn.
Is-rogga falkan
-cay, -cday; -bici
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Daabac-a)
1. Farsamada buugagga iyo wargeysyada, kd., oo aan farta ahayn lagu qoro inta lagu isticmaalo xuruuf jaran, ama tu kolkaas qalab gaar ahi shubo oo jarjaro oo dabadeed inta khad la marsho waraaqaha lagu qoro.