daan
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
daan1
Magac labAfka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.
Wadarta Magacan
-aaman, m.l
daan2
Magac labCilmiga-naflaydNudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
Wadarta Magacan
-aaman, m.l
daan3
Magac dheddigWebi, tog iwm labada dhinac midkood.
Wadarta Magacan
-aamo, m.l