Ereygan wuxuu leeyahay 5 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dąal1
Magac lab
Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.
dal2
Magac lab
Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan.
Wadarta Magacan
-lal, m.l
dąal3
Magac lab
Daawo
Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.
dal4
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Harag rogob ka gurid.
Is-rogga falkan
-alay, -ashay
dąal5
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago' oogada ka dareemid.
Is-rogga falkan
-aąlay, -aąshay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dal-ka)
Dhul yar ama weyn oo seere la yaqaan leh oo la deggan yahay.