Qaamuusle LogoQaamuusle

daliig

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

daliig1
Magac lab
1
Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iwm iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo.
2
Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. ld daliigid.
daliig2
Magac dheddig
1
Cad dhuuban, dheer oo ka samaysan maro, caw, maqaar iwm.
2
Xarriiq dheer, dhuuban oo wax ku dul taal.
Wadarta Magacan

-go, m.l

daliig3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Caw, maqaar iwm qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin.
2
Muruq jirran faraha ku daaweyn.
Is-rogga falkan

-gay, -gtay