Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dheer1
Magac dheddig
Siil.
dheer2
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 4aad
1
(f.mg) Wax aan jooggiisu gaabnayn ahaansho.
2
(f.mg) Wax meel fog ku sugan ahaansho.
3
(f.mg) Waqti muddo la sugayo ama la soo dhaafay ahaansho.
4
(f.g) Is dh.: isla mid ahaansho, kisi ahaansho (nambar).
Is-rogga falkan
-raa, -rayd; dhaadheer
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. a) (qof, geed, buur, kd.) kor iyo xagga cirka u fog; dhererkii loo badnaa wax u weheshaan; aan gaabnayn, b) (waddo, kd.) xagga dhinacyada aad ugu jiidan oo ugu fog. c) (ceel, god, kd.) hoos iyo xagga dhulka u fog; aan gaabnayn.
2. Meesha la joogo, meel wax badan u jirta ku sugan ama jooga; aan dhoweyn; durugsan.