Qaamuusle LogoQaamuusle

dheg

2 Qaab ayuu ereygan leeyahay

dheg1
Magac dheddig
1
Xubinta maqalka nafleyda.
2
Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood.
3
Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido.
4
Magac wanaagsan; caannimo; sharaf.
5
Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato.
Wadarta Magacan

-go, m.l

dheg2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Subag iwm xarkagid.
2
Cid iwm nabmid.
3
Ku dh.: wax gacanta xoog ugu qabasho.
Is-rogga falkan

-gay, -gtay