eeg
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
eeg1
Magac lab1
Meel laas u eg.
2
Meel la qoday oo biyuhu fariistaan.
eeg2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad1
Qof ama wax indho ku hayn.
Tusaale
“Beerta eeg”
2
Soo ee.: booqasho ku tegid (meel).
Tusaale
“Cali oo jiraan baan soo eegay”
3
Ka ee.: halis ka ilaalin.
Tusaale
“Carruurta dabka kaa eeg”
4
Ku ee.: wax ku tijaabin.
Tusaale
“Albaabka furaha ku eeg”
5
Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm.
Tusaale
“Labada qoraal isueeg”
6
Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.
Is-rogga falkan
-gay, -gtay