Naasley yar, god uu dhulka ka qotay ku nool oo leh laba ilig oo dhaadheer iyo af dhuuban. ld ferenfer.
Wadarta Magacan
-rro, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Faranfar-ka)
Bahal yar oo caanaleyda kamid ah oo godadka gudohooda ku nool; wuxuu lee yahay indho iyo dhego aad u yaryar oo aan ishu fudayd u qaban karin; labo cagood oo hore oo serfo la moodo, gafuur yuuban iyo dhogor jilicsan; wuxuu ku nool yahay oo cunaa cayayaanka; kolkuu god qodanayo, dibaddaa laga arkaa ciidda uu kor u soo tuurtuura hayo.