Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
gaar1
Magac lab
1
Wax cid si gooni ah u khuseeya.
2
Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iwm.
3
G. ah: khaas ah.
4
Dhaawac callirsan.
gaar2
Magac lab
Naxwe
Magac guud iyo magac g.
gaar3
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad
1
(f.g) Meel tegid.
2
(f.g) Cid, cid ka horreysa ka daba tegid.
3
(f.g) Jir cananno ku suntid.
4
(f.g) Dhiil, abxad iwm dahaarid.
5
(f.mg) Wax, wax ku filnaansho.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Gaar-ka)
a) Waxa uu ka dhashay ama uu la magacwadaago, ka baxsan; aan u ekayn; duwane. b) Dhinac, gooni. c) (naxwe; magac guud iyo magac gaar) magac guud = nin, magaalo, bad; magac gaar: Liibaan, Xamar, Afrika. d) Hurguun ka yimaada nabar aan dhiig ka iman, siiba kan qodaxdu muddo.