Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
gacan1
Magac lab
Khoori.
Wadarta Magacan
-ammo/-nno, m.dh
gacan2
Magac lab
Xisaab
Xarriiq toosan ee ka timaada xuddunta kuna dhammaata bar ku taalla meeriska goobada ama fogaanta ka bilaabata xuddunta kubbad, kuna dhammaata bar ku taal dusha kubbadda.
Wadarta Magacan
-ammo/-nno, m.dh
gacan3
Magac dheddig
1
Xubinta faraha leh ee dadka wax ku qabsado.
2
Xubin dheer, madaxa maroodiga ka laallaadda oo uu wax ku qabsado kana neefsado.
3
Dhegta weelasha iwm.
Wadarta Magacan
-cmo, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Gacan-ka) a) Xubin dhuun la moodo oo madaxa maroodiga ka lallaadda: waa sankii iyo bushintii kore oo isku samaysmay, wuxuuna isku darsaday xoog iyo jiljileec; docda kore waa adayg qallafsan gudo-ujeeddaduna waa wax jilicsan; Maroodigu wuxuu karaa inuu geed weyn gacankiisa ku jebiyo, dhinaca kalena, wax yar, sida xabbad digir ah oo kale, uu ku qaado. b) Biyo jiidan oo ama bad ka dillaaca ama biyo kale, oo dhulka engegan dhex gala, c) (qalab, weel) meel soo baxsan oo gacanta lagu qabto.
2. (Gacan-ta) (oogada dadka) xubinta qarqarka ka bilaabata oo faraha ku dhammaata oo ay kamid yihiin cududda, xusulka, dhudhunka, sacabka...