Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
ganac1
Magac lab
Cilmiga-naflayd
Xubin dhuuban oo ku taalla caloosha hoosteeda; waxay ka laallaaddaa oo dhacaankeeda ku shubtaa godanta (xiidmaha madaxdooda hore oo caloosha xiga).
Wadarta Magacan
-cyo, m.dh
ganac2
Magac dheddig
Beec; iib.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Ganac-a) Xubin carrab dheer oo jiidan oo sal weyn u eg oo oogada nafleyda ku taal (caloosha hoosteeda); waxay ka laallaaddaa oo dhacaankeeda ku shubtaa godanta (xiidmaha madaxooda hore oo caloosha xiga).
2. (Ganac-da) Alaabada iyo waxyaalaha kale oo la is dhaafsado inta lacag ama wax kale la isa siiyo; wax kastoo loo rogrogto in faa'ido laga helo; geddis; iib.