Gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la gamayo.
2
Labada ilig ee sare middood.
3
Bir, qori iwm qoroofan oo wax la suro.
Wadarta Magacan
-ano, m.l
gan3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Xabbad, fallaar iwm ridid, tuurid. ld gen.
Is-rogga falkan
-amay, -antay; -ami
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Gan-ka) a) Alaabada la falkiyo ama la tidco ama la sooho, docda sinsiman oo la qurxiyey oo gudaha xigta maahee, docda kale oo kore oo dufca leh, b) Xaadda ku taal oogada nafleyda.
(Gan-ta) Bir ama laf ama qori ama wax kale oo qaroofsan oo wax la suro ama wax lagu soo jiido; gar.