Qaamuusle LogoQaamuusle

lool

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

lool1
Magac lab
1
Jaad ka mid ah dhigaha aqalada miyiga lagu dhiso.
2
Dhagax mindiyaha iwm lagu afeeyo.
3
Xarriiq dhulka gudub u gooysa oo la siman dhulbaraha.
4
la midka ah (ld):
laal¹
Wadarta Magacan

-lal, m.l

lool2
Magac labJuqraafi
Xarriiq dhigeed ama barka goobooyinka waaweyn midkood, goobooyinkaas oo mara cirifyada, badhahana xaglo quman u gooya; xarriiqaasi ma ahin goobo buuxda maxaa yeelay waxaa jira faraq 80 oo dhig ah iyo waqti 12 sacadood ah oo u dhexeeya labada badh ee goobooyinka waaweyn ee mara cirifyada.
Wadarta Magacan

-lal, m.l

lool3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Awr si aan toos ahayn awr kale mici ugu dhufasho.
2
Laal ciyaarid.
Is-rogga falkan

-oolay, -ooshay