Xoolaha la dhaqdo midka ugu weyn, wuxuu leeyahay hal ama labo kurus, addimo dhaadheer, cago balballaaran; gaal.
Wadarta Magacan
-lal, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Geel-a)
Xoolaha la dhaqdo kan ugu weyn; wuxuu lee yahay sur aad u dheer, kurus ama labo kurus, addimo dheerdheer, cagfo balballaaran; waxtarkiisa lama koobi karo; waa la rartaa, waa la fuulaa; waxaa laga helaa caano, hilib, subag, xuuko, harag laga samaysto lammooyin, kabo, abxado, kolayo, xargo; dhogor laga dhigto aqallo, busteyaal, dhar, kebdo, kd.; wax badan buu biyaha ka qadaa. ~ Gaal.