Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah.
Tusaale
“Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd”
“Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii”
2
H. kale: haddii sidaas aysan noqon.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Erey tixda ama hadalka ka dhiga mid wax ku xiran ama male iyo wax aan la hubin ku dhisan ama ulajeeddooyin kale u yeela; (haddii lacag la i siiyo, hawsha waa aan qabanayaa; haddii Warsame yimaado, gaarsii farrintayda).